Tirada Askarta Maraykanka ee lagu dhaawacay  Syria iyo Iraq oo la shaaciyey iyo Duqeymo Cusub

Nov 07 (Jowhar.com)-Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxay xalay shaacisay in 45 Askar Maraykan ah lagu dhaawacay Duqeymo lala beegsaday Saldhigyada Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin dalalka Syria iyo Iraq.

Duqeymahaasi waxaa geystay Maleeshiyo ka soo horjeeda Duqeymaha ay Israel ku hayso dadka reer Falastiin ee ku sugan magaalladda Qasa ee go’doonsan iyo qeybo ka mid ah Deegaanada Daanta Galbeed.

Shaacinta dhaawacyada soo gaaray Askarta Maraykanka waxay ku soo beegantay, iyadoo Ciiddamo Maraykan oo dheeraad ah iyo Maraakiibta Dagaalka oo uu ku jiro Gujis Nukliyeerka xambaarsan ay soo gaareen Mandiqada Bariga Dhexe iyo Bariga Badda Mediterranean Sea, si ay u difaacaan Askarta iyo Danaha Maraykanka.

War kale oo goor dhow soo baxay waxa uu sheegayaa in wax yar ka hor weeraro lala beegsaday Saldhigyada Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin dalalka Syri iyo Iraq.

Ilo dhanka Warbaahinta ayaa sheegay in tiro Diyaaradaha Daroonka qeyb ka ahaayeen Weerarada lagu qaaday Saldhigyadaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More