Sheekadii Xiisaha Laheyd Ee Kurbo Aduun Iyo Kadeed Caashaq
Xaaji Baana: Aamina adeer waa sida uu Sadiiq kuu sheegaya idinka wada hadla annaga waxaad isku fahmi weyndaan ayaan idiin soo dhex geleynaa.
Ducaale:
Waa sidaa Amina hadal oo dhibkaaga ka hadal isagana ha hadlee annagana waxaan nahay kuwii idiin dhexdhaxaadin lahaa
Amina Sahra:
Laakiin nin lala hadlo meeshaan ma joogo waa nin xalaashiisa xumeeyey noloshana inuu xakaar ka maro ayaan rabaa nolosha intuu dhib I soo marsiiyey ma aha mid aan si sahlan u ilaawi karo Sadiiq nin aan jeclaatay ayaa uu ahaa oo aan aaminay laakiin nolosha ii ursiiyey waan ku nacay Sadiiq xageygana marnaba naxariis ha ka filanin.
Sadiiq:
Wax walba oo aad I tiraahdo waa wax aan xaq u leeyahay maxaa yeelay xumaantaan falay ayaa ka weyn nin qaldamay oo warkii hooyadii qaatay ayaan ahay dhabtiina cadaabteeda waan maray.
Amina Sahra:
Reerkaaga adiga ayaa ka masuul ah side qof kale kuu hogaamin karaa aaway jaceylkii aad mar kasta ii sheegi jirtay halkee kaa aaday kalsoonidii noo dhaxeysay side ku dhacday in aad gogol dhaaf iga shakisa mase ahaa qof ay ka suurowday.
Sadiiq:
Waa ku baryaa dib ha ii xasuusin sheydaan ayaa iga saacid caleeyey
Amina Sahra:
Ma diidani in bani’ Aadamka uu sharwadayaal ku kaban yahay laakiin waxaad iga shakin karto ma ahaa wixii laguu sheegay side ku dhacday in xumaan la iiga kaa sheegay aad aaminto Sadiiq daciif ayaad tahay doqon ah nin shaki badan waa tahay cudurkaaga ha ila imaan
Sadiiq:
Waa ku baryaa Amina waxaad doonto igu xukun laakiin yaanan adiga iyo wiilkeyga idiin waayin
Amina Sahra:
Wiilka waa kaad hore inuu garac yahay u aamintay aniga waa tii xagaaga saqidka ka aheyd waxba hana soo raadsan
Markiina waa ay istaagtay waxaase fadhiga ku celiyey Muhudiin oo u dhawaa oo ku yiri
Muxudin:
Is deji Amina waxbana ha bixin waad aragtaa inuu Sadiiq ooyaya maxaad sidaan oo dhan ugu galeysaa u naxariisoo
Amina Sahra:
Isagaba aniga oo uur leh iima naxariisan xataa waa ii quuri waayey inuu ii sheego xumaanta la iiga sheegay si aan isu difaaco maalintaa ayaa uuna war u furnaa laakiin manta maya
Sadiiq:
Aamina qofka qaladkiisa qirta waa la cafiyaa
Amina Sahra:
Nacas daciif ah oo adiga oo kale lama cafiyo Sadiiq si dhab ah ayaan kuu jeclaa hadalkaaga xageyga waxa uu ahaa wax weyn nolosheydana adigay kaa bilaabatay waan jeclaa in ay kugu dhamaado waliba si farxad leh laakiin farxadaan mudo sawiranayey adigaa iga laaday sheydaanka been waa uu kuu sheegi karaa laakiin looma baahneyn in aad sheydaanka aaminto soo xasuuso Sadiiq iyadoo 3 maalin guurkeena ka harsanaa ayaan ku soo wacay maalin oo aan ku dhahay furaha guriga ayaa gabdhaha igala tageen always ayaan u baahnaa waana ii timid oo aad ii soo iibisay Xasuusi haddii aad xis leedahahay habeenkii aan gurigaaga imid oo aan xaaskaaga noqday dhaahir ma aheyn waana ka warheysay marka in aan meel kale cunugaan kaaga keenay maxaad ugu fikirtay nacaska markasta si hoose ayaa uu u fikraa laakiin waa qasaaraa mar kasta
Sadiiq:
Amina aniga Bani’aadam kama weyni waana qaldamay ee waa ku baryaa qaladkeyga waan qirtay ee iga cafi
Amina Sahra:
Sadiiq ha ku fikirin in aan ku cafiyo abid lagama yaabo in aad wiilkaaga aragto weligiina waxa uu ogaan doonaa inuu aabahii dhintay oo uu agoon yahay maalinta uu nin weyn noqdana sida aad kaga shakisay ayaa uu ogaan doonaa inta ka horeysay cataaw ayaan kugu ogahay waana cadaab aad u qalanto
Sadiiq:
Waan aqbalay cinqaab culus in aan maro taas oo ah in aan dib kuu heleynin laakiin ugu yaraan wiilkeyga aan arko Amina waa ku baryaa
Amina marnaba uma jixinjixeynin ooyinta Sadiiq oo ugu dambeyn inta uu soo garguurtay jilbaha qabsatay Xaaji Baana oo laf ahaantiisa la ooyayey ayaa ku soo biiray in isaga jilbaha qabsatay Amina mar kaliya ayaa ay ka booday oo ay tiri
Amina Sahra:
Adeer ninkaan waxba ha u calool debcin anigaba waan dhibtooday maalina iima jilcin
Xaaji Baana:
Gabadheyda waad aragtaa sida uu dhibtoonayo wax kasta oo uu ku yeelay manta lugahaaada hoostooda ayaa uu fadhiyaa ugu yaraan wiilkiisa u ogolaaw aniga dartey gabadheyda sow ooyintiisa kuuma muuqato
Amina Sahra:
Adeer anigaba ka badan ayaan soo ooyey laakiin adiga madaxaaga wax badan waa iga gooyaa waan tusinayaa laakiin inuu wiilkiisa yahay uma qaabilaayo aragti oo kaliya ayaan ogolahay
Sadiiq:
Waan ogalahay ugu yaraan aan dhabta inta aan saaro aan dhunkato
Amina Sahra:
Ok
Amina markiiba waxa ay telefoon u dirtay Faayow oo ah gabadha u shaqeyso una sheegtay in ay u keento Akram intii wiilka la sugaayey cid kasta aamus ayaa ay ku jirtay waxaana laga wada fikiraayey sida ay wiilka u bari doonto iyadoo la wada ogaa in aysan oran doonin waa aabahaa markiiba Akram oo cararayo ayaa qolka soo galay oo markii uu hooyadiis arkay ku soo booday oo yiri
Akram:
Hooyo Faayow Video game in ay ila cayaarto waa diiday
Inta ay dhunkatay ayaa ay tiri
Amina Sahra:
Fiiri wiilkeyga ninkaas waa nin adeer ah wiil dadaada oo kale ayaa la lumay adiga markii uu ku arkayna waxa uu soo xasuustay wiilkiisa waayo waad isu eg tihiin marka u tag
Akram inta uu dhabtii hooyadii ka degay ayaa uu aaday xagii uu Sadiiq fadhiyey Sadiiq inta uu qabtay ayaa uu laabta geliyey oo uu ooyina la fuuray balse Amina marnaba uma jixinjixin inta uu fiiriyo ayaa uu ku dhagaa oo uu ku ooyaa Akram oo aad u yaaban ayaa yiri
Akram:
Sidaa oo dhan ha ooyin adeer
Sadiiq:
In aan ooyo mooyee maxaan kale oo sameyn karaa wiilkeygiyow
Akram:
Intuu ku dhumay wiilkaaga adeer
Sadiiq:
Magaalada
Akram:
Weli lama helin
Sadiiq:
Hadana lama helaayo
Akram:
Adeer ha ooyin anigaba wiilkaaga camal ayaan ahay anigaa wiil kuu noqonayaa
Sadiiq ooyin hor leh ayaa uu ka sii qaatay hadalka Akram inta uu madaxa u salaaxay ayaa uu ku yiri
Sadiiq:
Wiilkeyga waaba tahay laakiin waayaha ayaa nakala weeciyey
Markii uu intaa yiri ayaa ay Amina inta ay istaagtay ka soo waday Faayowna u dhibtay waxayna ku tiri
Amina Sahra:
Wax walba halkaan ayaa ay ku dhamaadeen Sadiiq waxaan filayaa in aad meeshaad ka timid u noqon doontid
Sadiiq:
Waa runtaa in aan noqon doono laakiin marnaba rajada aan idiinka qabo ma dhiman doonto waxaan rajeynayaa in maalin aad I cafin doonto.
Waa Sheekadii : kurbo aduun iyo kadeed caashaq kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos xaalkoos@hotmail.com