Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo maanta u xiran xuska maalinta ciidanka booliska Soomaaliyeed

Dec 20 (Jowhar.com)-wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xerada ciidanka booliska Jeneraal Kaahiye ee degmada Xamar Jajab ay ka socoto xuska munaasabada sanad guuradii 80-aad ee kasoo wareegatay markii la aasaasay ciidanka booliska Soomaaliyeed.


munaasabada oo maalmahan diyaarinteeda ay socotay waxaa ka qeyb galaya oo goobjoog ah madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale, wasiiro, xildhibaano, taliyaha ciidanka booliska Jeneraal Sulub, safiiro iyo xubno kale.

madasha oo amaankeeda si aad ah loo adkeeyay waxaa gaada ka ciyaar iyo dhoola tus kusoo bandhigay cutubyo kala duwan oo ka tirsan ciidanka qeybohooda kala duwan oo ay ku jiraan kooxda baanbeyda iyo sidoo kale ciidanka Haramcad oo dhoolatus kusoo bandhigay goobta.

madaxweyne Xasan oo la filayo inuu khudbad ka jeediyo madasha ayaa lagu wadaa inuu ka hadlo muhiimada booliska iyo shacabka isagoo sidoo kale lagu wado inuu abaalmarino iyo darajooyin uu siiyo saraakiil kamid ah ciidankan.

ciidamada amaanka ayaa xirtay jidka dheer ee isku xira Iskool Plozia ilaa dekeda weyn ee magaalada Muqdisho, maadaama goobta xaflada ay ka dhaceyso ay tahay halkaasi, waxaa sidoo kale duleedyada Muqdisho howlgalo ka wada ciidan ka tirsan NISA oo ka feejigan hoobiyayaal lagu soo garaaco goobta xaflada

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More