Wakiilada Beesha Caalamka oo wadahadal la yeelanaysa Farmaajo

Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa goordhow la filayaa in wadahadal dhanka Zoomka la yeeshaan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, iyagoo kala hadlaya xiisadihii siyaasadeed ee u dambeeyay ee dalku galay maalmihii la soo dhaafay iyo sidii xiisadda loo dejin lahaa.
Beesha Caalamka ayaa taageeraya shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu dardargelinayo doorashooyinka, laguna saxayo habraacyada doorashada.

Hase yeeshee khilaafka soo kala dhex galay Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa ah mid dib u dhac u keeni kara dardargelinta doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku baaqay in wadahadal ay yeeshaan Madasha Wadatashiga Qaran ayaa dib u dhac ku yimid iyadoo hore loo qorsheeyay in 27ka uu wadahadlkaasi bilowdo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More