Abu Cabdalla”Mid kamid ah raggii xukunka toogashada lagu fuliyay waxa uu ka tirsanaa sirdoonka Britain”

Ururka  Al-Shabaab ayaa sheegay in raggii ay shalay ku toogteen magaalada Jilib uu ka mid ahaa saraal ka tirsanaa sirdoonka wadanka Ingiriiska ee MI6.

Guddoomiyaha gobolada Jubooyinka ee ururka Al-Shabaab Maxamed Abu Cabdalla ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in Shanta ruux ee toogashada lagu fuliyey magaalada Jilib  uu kamid  ahaa Cawaale Axmed Maxamed oo 32 jir ah kaasoo u basaasayay sirdoonka MI6.

Sidoo kale guddoomiyaha Jubbooyinka ee Al-Shabaab ayaa sheegay in saddex kamid ah raggii ay toogteen ay u basaasayeen dowlada Maraykanka ayna caawinayeen  diyaaradaha duqeymaha ka fuliya saldhigyada Alshabaab halka qofka afaraadna uu ahaa sirdoon u shaqeynayay dowlada Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya,Maraykanka iyo Britain ayaan ka hadlin dilka raggan ee lagu eedeeyay inay sirdoon ahaayeen.