Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa ka hadlay weerarkii shalay ay ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab xarunta Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada isagoo ku tilmaamay in wasaaradu ay qoraysay ciidamo la dagaalama Ururka Al-Shabaab.

Sida ay qoreen warbaahinta taageerta Al-Shabaab Cabdicaziz Abu Muscab ayaa sidoo kale ku eedeeyay Wasaarada Shaqada inay qoreysay ciidamo dhar cad ah oo basaasta culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho iyo dadka fikrad ahaan kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Abu Muscab ayaa waxa kale oo sheegay in wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ay qoreyso dad dib u dhis ku sameeya xarunta tiyaatarka qaranka, ayada oo loo marayo barnaamijka is-xilqaan, taasi oo sida uu sheegay kasoo horjeedda shareecada islaamka.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dileen 15 qof, islamarkaana ay ku dhaawaceen 26 kale, kuwaas oo ay ka mid yihiin dad xilal sare hayey.

Ururka Al-shabaab ayaa weeraradii ay hore uga geysan jirtey magaalada Muqdisho waxaa u badnaa kuwo ay ku qaado hotelada iyadoo weerarkan uu noqonayo kii ugu horeeyay ee ay ku qaado xarun wasaaradeed aynu ku disho mid ka mid ah mas’uuliyiinta wasaarada.