Dood ayaa durbaba ka dhalatay qodob ka mid ah Sharciga Doorashooyinka ee ay shalay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo qodobkan uu muddo kordhin siinayo Madaxweynaha iyo Baarlamaanka hada jira.

Qodobka 56aad ee doorashada ayaa si cad u qeexaya in haddii doorashooyinka dib u dhac ku yimaado duruufooyin adag oo jira awgeed uu Baarlamaanka iyo Madaxweynaha xilka sii heynayo, inta laga gudbayo duruufahaas.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ahaa siyaasigii u horeeyay ee iftiimiyay qodobkan ayaa is weydiiyay in sharcigii doorashooyinka ee muddo loo fadhiyay in qodobka muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha, isagoo xusay inay aheyd iyadoo aanay dhib badan u marin inay yiraahdaan muddada hanaloo kordhiyo.

Hadaba halkan hoose ka akhriso qodobka xasaasiga ah ee muddo kordhinta Madaxweynaha iyo Baarlamaanka