Waxaa fashil ku soo gabagaboobay shirka wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uga socday magaalda Garowe muddo todobaad ah.

Shirka oo ahaa mid ku cusub shirarka dowoladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah marka laga eego dhanka siyaasadda, maadaama ay doorshooyin ku soo fool leeyihiin maamullo uu khilaaf kala dhaxeeyo dwoladda Federaalka, isla markaana ay billaabatay go’aan ka gaarista nuuca doorasho ee dalka ka qabsoomi doonto.

Inkasta oo ay jireen arrimo ay maamullada kaga aragti duran yihiin Federaalka sida maamulka deeqaha dibadda, go’aannada waaweyn ee siyaasadeed, iyo qeybsiga kheyraadka, haddana Jowhar.com ayaa fahansan sababaha ugu waaweyn ee shirka Garowe uu ku fashilmay:

Doorashada Jubaland:

Sida la qorsheeyay bisha August ee soo socota waxaa qabsoomi doonto doorshada madaxtinimada Jubaland, sidaas darteed Madaxweyne Axmed Madoobe oo mar kale sharraxan waxa uu muujiyay walwalka uu ka qabo qaabka ay u dhici doonto doorasahda.

Ilo xog ogaal ah ayaa Jowhar.com u xaqiijiyay in Axmed Madoobe uu codsaday in dowladda Federaalka aysan faragelin hab-raaca soo xulista xildhibaannada dowlad goboleedka Jubbaland, taas oo damaanad siineysa in mar kale loo doorto hoggaaminta Jubbaland, halka madaxda Fedeaalka ay ku adkeysteen in nidaamka soo xulista xildhibaannada uu noqdo mid waafaqaya dastuurka una dhigma kan maamullada kale.

Arrintaan oo kulamo gaar ah ay ka galeen madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la isku afgaran waayay. Madaxweynaha Puntland oo isku dayay inuu arrintaas galo ayaa isna ku guul darreystay inuu qanciyo labada dhinac.

Muddo xileedka Xaaf:

“Madaxweyne Xaaf, ma waxaa loo doortay 4 sano oo horleh mise inuu dhameystiro muddada u hartay Nadaxweynihii ka horreeyay ee is casilay?” Waxa ay ahayd su’aasha ugu jahwareerka badnayd shirka iyo mid ka mid ah sababihii burburka shirka.

Muddo xileedka madaxweynaha Galmudug ayaa ku siman bisha June ee soo socota, taas oo ka dhigan in shirkan kan xiga aan la hubin inuu qeyb ka noqon karo. Arrinkaan ayaa sii cakiray in shirku miro dhal noqdo, ugu yaraan saddex jeer ayuu shirka isaga baxay, waxa uuna ku hanjabay in uu Dhuusamareeb ku laaban doono.

Mowqifka dowladda Federaalka ee arrinta muddo kororsiga Galmudug ayaa u muuqday inuu ahaa mid caddaa waxaana ay Xaaf u sheegeen in arrintaas aysan quseynin dowladda Federaalka oo ay tahay inuu kala xaajoodo baarlamaanka Galmudug iyo dhinacyada kale ee talo wadaagga ku ah dowlad goboleedka Galmudug.

Aasaaska Madal Qaran:

Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa soo jeediyay in la aasaaso Madasha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin madaxda saree e federaalka iyo madaxda dowlad Goboleedyada, si ay u gaarto go’aamada waa weyn ee la xiriirada doorshada 2020 si lamid ah madashii uu hoggaaminaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madashan ayaa meesha ka saareysa sharciyadda baarlamaanka labadiisa aqal, sidaas darteed ayaa waxaa ka horyimid Dowladda Federaalka oo ay gadaal ka riixayaan beesha caalamka, maadaama laga doonayo in doorshadan loo diyaariyo qaab ka duwan tii hore.

Maamullada ayaanan kaalin muuqata ku yeelin doonin doorashada soo socta, haddii shuruucda la mariyo habraaca tooska ah oo Xukuumadda iyo baarlamaanku ka wada shaqeeyaan diyaarinta iyo meel marinta shuruucda la xiriirta doorshada.

Xeel dheerayaasha arrimaha siyaasadda ayaa shaki gelinaya in shirka xiga ee lagu ballamay, Ramadaanka kadib ay adag tahay in lagu xalliyo arrimahan, sidaas darteed, labada doorsho ee maamul goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland ay ku dhici doonaan jawii kacsanaan ah.