Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka socdo degmadaas.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa yimid kaddib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen farriisin ciidanka dowladda ku lahaayeen duleedka degmada, waxaana la sheegay inay dhowr jiho ka soo weerareen degmada Balcad.

Qof goobjooge ah oo ku sugan Balcad ayaa sheegaya in rasaas culus ay ka socoto agagaarka Saldhigga Booliska oo dhaca dhanka wadada aada Jowhar.

Wararka ayaa intaa ku daraya in rasaasta xooggeeda u soo dhowaatay bartamaha iyo suuqa degmada Balcad.

Waa weerarkii labaad oo Al-Shabaab ku soo qaado degmada Balcad, iyadoo sanad ka hor ay xilli maalin ah ay soo weerareen.

 

HALKAN GASHO