Wararka ka imaanaya degmada Kamsuuma ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in fagaare ku yaalla degmadaas lagu toogtay afar nin lagu eedeeyay inay la shaqeyn jireen Sirdoon Caalami ah iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Afarta ruux ee Shabaabka dileen ayaa lagu sheegay iney la shaqeyn jireen Sirdoonka UK, kuwa Jabuuti iyo dowladda Soomaaliya, kuwaasoo lacago ku heli jiray bixinta xoggaha Saraakiisha Shabaab iyo deegaanadooda.

Maxkamada Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose ayaa xukunkan dilka ku riday raggan, waxaana qaadiga Maxkamadda uu sheegay inay raggan qirteen la shaqeynta Sirdoono Ajnabi ah

Magacyada ragga la toogtay ayaa waxay kala yihiin:-

1- Aweys Ismaaciil Aadan oo 25 sano jir ahaa waxaa lagu soo eedeynayay inuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya shaqada loo xilsaaray ay aheyd in uu gudbiyo lambarrada saraakiisha Kooxda Shabaab si loo duqeeyo lacag ahaan wuxuu u qaatay 50 dollar

2- Cilmi Warsame Cumar oo 22 sana jir ahaa waxaa la sheegay inuu u shaqeynayay hay’adda lagu magacaabo PSU oo laga leeyahay dalka UK wuxuuna uqaabilsanaa in uu sawirro kasoo qaado deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan isagoo sidoo kale loo xilsaaray in uu diyaarado ku hago saldhigyada Shabaab intii uu shaqeynayay wuxuu qaatay lacag dhan 270 oo dollar.

3-Cumar Cabdullaahi Cabdi oo 28 sana jir ahaa wuxuu la shaqeynayay ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan gaar ahaan Jalalaqsi iyo Beled Weyne shaqadiisu waxay aheyd in uu diyaarado ku hago Saraakiisha Shabaab ee Hiiraan intii uu shaqeynayay wuxuu qaatay lacag dhan 477 dollar.

4-Maxamuud Abuukar Xaaji oo 25 sana jir ahaa wuxuu la shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka ee PS-ta loo yaqaan waxay shaqadiisu aheyd in uu jaasuuso saraakiisha Shabaab ee Sh.Hoose.

Arbacadii la soo dhaafay ayay aheyd markii Al-Shabaab ay deegaanka Yaaq Baraawe ee Gobolka Baay ku toogteen shan ruux oo ay ku jirto haweeney, kuwaasoo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen Sirdoono Ajnabi ah, 3 ka mid ah dadka la toogtay ayaa u dhashay dalka Kenya.

HALKAN GASHO