Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, iyadoo dagaal muddo socday uu labada dhinac dhex maray.

Sida wararku sheegayaan saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin dhanka Koofur Galbeed ayay dagaalamayaasha Shabaab ku weerareen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Garbahaarey kaga qeyb qaateen madaafiic, waxaa la sheegaya in madaafiicda ay ka dhalatay khasaare kala duwan.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska caabiyeen Al-Shabaabkii soo weeraray, ayna dib u riixeen.

Garbahaarey oo ah xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa saldhig ku leh Ciidamada Itoobiya iyo ciidanka Milateriga Soomaaliya, waxaana magaaladan ka mid aheyd meelihii Al-Shabaab laga saaray 8 sano ka hor.