Maamulka degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay xalay weerar ku soo qaadeen magaalada.

Ugu yaraan shan ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen tiro kalana ku dhaawacmeen kadib markii uu iska horimaad ku dhex maray bartamaha magaalada Qoryooley ciidamada Milatariga iyo dagaalamayaashii soo weeraray magaalada sida uu xaqiijiyay Maamulka degmada Qoryooley.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley, Maxamed Cabdi C/llaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay iska caabiyeen xoogagii Kooxda Al-shabaab ayna dileen saddex kamid ah dagaalamayaashii weerarka soo qaaday balse ciidamada xoogga uu ka dhintey hal askari.

Hase yeeshee warar madax banaan oo aan ka heleyno magaalada Qoryooley ayaa sheegaya in mid kamid ah ciidamada amniga magaalada Qoryooley xalay lagu diley weerar gaadmo ah lagana qaatay qori uu watay.

“Ma jiro dagaal weyn oo ka dhacay magaalada balse askarigaa ayaa la diley lagana qaatay qori uu watay.”ayuu u sheegay weriye ka tirsan shabakada jowhar.com mid ka mid ah dadka ku nool magaalada Qoryoley oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-shabaab ee ku saabsan weerarka ay ku qaadeen magaalada Qoryooley.