Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooleey ee gobolka Sh/Hoose, ayaa sheegaya in xalay uu ka dhacay dagaal xooggan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ayaa la soo sheegayaa iney weerar toos ah iyo Madaafiic ay ku qaadeen xarumo dowladeed oo ku yaala degmada iyo sidoo kale baraha Kontoroolada ee ku suganyihiin Ciidamada amaanka.

Waxaa jirtay Madaafiic Shabaab ay ku garaaceen xarunta degmada Qoryooleey,xili ay halkaasi ku wada sugnaayeen inta badan Mas’uuliyiinta maamulka, iyadoo dagaal fool ka fool ahna uu ka socday goob ay ku sugnaayeen Ciidamada amaanka oo ay gawaarida ku baaraan.

Ciidamada ku sugan Qoryooleey ayaa daqiiqado kadib dib u riixay dableydii weerarka soo qaaday, kuwaasoo lagu qasbay iney dib ugu laabtaan deegaanadii ay ka soo duulaan tageen.

Gudoomiye Kuxigeenka dhinaca Maaliyada gobolka Sh.Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle, ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in weerarkii xalay ay ku dhaawacmeen xubno ay ku jiraan Guddoomiyaha Degmadaasi ,kuxigeenkiisa,Xoghayaha iyo Taliyaha degmada Qoryooley.

Masuuliyiintan ayaa la sheegay in goob ay ku sugnaayeen uu ku soo dhacay hal madfac, taasoo waxyeelada gaarsiisay xubnahan, kuwaasoo khasaarohooda yahay mid aad u yar.

Cali Maxamed Aadan Taliyaha Saldhigga degmada Qoryooley, ayaa isaguna meesha ka saaray in xubno kamid ah maamulka iyo Saraakiisha Ciidanka ay waxyeelo ka soo gaartay weerarkii xalay, isagoo sheegay ineysan jirin cid ku waxyeelowday weerarkaas.

Ciidamada amaanka ayaa Saaka Qoryooleey ka wada howlgal ay ku daba jiraan dableydii weerarka soo qaaday, Iyadoo ku beegsanaya deegaanada ay tuhunsanyihiin in weerarka laga soo abaabulay.