Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay xalay weerareen saldhig ay ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Sabiib.

Dagaal xoog leh oo dhex maray ciidamada dowlada iyo kuwa Al-Shabaab ayaa wararku ay sheegayaan inuu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hase yeeshee si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalkan oo socday muddo saacado ah. Iyadoo weerarkan uu ahaa kii ugu horeeyay ee dagaalamayaasha Al-Shabaab ku soo qaadaan deegaanka Sabiib tan iyo markii toddobaad kahor ay kala wareegeen ciidamada dowlada.

Saraakiil u hadashay ciidamada xooga dalka oo ku sugan Sabiib ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka Al Shabaab ay iska difaaceen, islamarkaana Al Shabaab ay ka dileen xubno badan.

Hase yeeshee ururka Al-Shabaab ayaa dhinaciisa sheegtay in weerarkaas ay ku qabsadeen mid kamid ah saldhigyada ay ciidamada dowlada ku lahaayeen deegaanka Sabiib.

Deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee duleedka degmada afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhowr todobaad ka hor waxaa Ciidamada Dowladda ay kala wareegeen Ururka Al-Shabaab.

Waxaana deegaankaas booqday Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyadoo sidoo kale gargaar cunto ah la geeyay deegaankaas.