Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ayaa qorsheynaya in ay ka guuraan dhamaadka bishan Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad oo muddo ka badan toban sano xarun u ahayd qaar ka tirsan ciidamada AMISOM.
Warkan ayaa waxaa laga soo xigtey Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira xilli uu shalay booqanayay kulliyada Jaalle Siyaad oo dhowrkii bilood ee ugu dambeysay ay ka socdeen dayctir.

“Waxaan ku qanacsanahay dayactirka iyo dib u habeynta lagu sameeyay xaruntan waxaana ay diyaar u tahay in dhamaadka bishan lagu wareejiyo ciidamada Milatariga Soomaaliya.” ayuu yiri Madeira oo kormeerkiisu ay ku weheliyeen saraakiil sarsare oo ka tirsan AMISOM iyo madax ka tirsan Dowlada Federalka.

Ciidamadii hore u joogay Kulliyada Jaalle Siyaad oo ka socday dalka Burundi ayaa la dejiyay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Dowlada Federalka Maxamed Cali Xaggaa oo ka mid ahaa madaxdii booqatay Kulliyada Jaalle Siyaad ayaa u mahadceliyay AMISOM taageerada ay siiso dowlada Federalka sidii dib loogu soo celin lahaa xasiloonida dalka.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa ciidamada Burundi kuwaasoo naftooda u huray shacabka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Xaggaa Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Dowlada Federalka.

Kulliyada Jaalle Siyaad oo lagu tababari jirey saraakiisha ciidamada Milatariga Soomaaliyeed ayaa noqonaysa xaruntii saddexaad ee ay ciidamada AMISOM ku wareejiyaan dowlada Federalka iyagoo hore u wareejiyay Garoonka Kubbada Cagta Stadium Muqdisho iyo Jaamacadii Ummadda ee magaalada Muqdisho.