Taliska ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay sawir lagu soo bandhigay baraha bulshada kaasoo dad badan ay aad uga caroodeen.

Sawirkan ayaa muujinayay askari ka tirsan ciidamada Booliska AMISOM oo cabiraya ruux dumar ah oo la sheegay in loo diyaarinayay ka mid noqoshada ciidamada Booliska ee Maamul goboleedka Hirshabelle.

Askariga sawirka ka muuqday ayaa muuqaalkiisa waxaa uu shabahay ruux lab ah iyadoo gabadha Soomaaliyeed oo xiran xijaabna laga cabirayay qeybta hore ee jirkeeda.

Arrintan ayaa ka dhex dhalisay dood badan dadka isticmaala baraha bulshada inkastoo dadka badankii ay fahmeen in qofka wax cabiraya ay ahayd ruux dumar ah.

Balse qoraal ka soo baxay AMISOM ayaa lagu xaqiijiyay in qofka wax cabiraya ay ahayd qof dumar ah oo u dhalatay dalka Zimbabwe.

“Ogaada sarkaalka Booliiska AMISOM ee cabirka ka qaaday gabadha la ciidamaynayo ee sawirka ka muuqda waa sarkaal dumar ah oo ka tirsan kooxda Booliska Zimbabwe ka socda, AMISOM waxay tixgalisaa, illaalisaana dhaqanka Soomaaliyeed, waligeedna uma xilsaarto sarkaal Rag ah inuu taabto haween Somaali ah” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo la soo dhigay bogga AMISOMku leedahay Twitterka.

Ciidamada AMISOM ayaa hore loogu eedeeyay inay ka geysteen dalka Soomaaliya falal ka baxsan anshaxa.