Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa waxa ay si rasmi ah ugu wareejiyeen kulliyadii hore ee ciidamada ee magaalada Muqdisho Dowlada Federalka kadib markii ay muddo ka badan toban sano ay saldhig u ahayd ciidamada AMISOM.

Munaasabad lagu qabtay Dhismaha Kuliyadda ayaa waxaa ku sugnaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng, Cabdiraxmaan Yariisow,taliyaha Xooga Indha-qarshe iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo Madax kale,waxaana munaasabadaas dowladda Soomaaliya lagula wareejiyey Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in kuliyadan sideedii hore lagu soo celin doono laguna tababari doono saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulliyadda Jaale Siyaad oo la dhisay 1975tii ayaa lagu tababari jiray saraakiisha ciidammada Soomaaliya,waxaana ciidamada AMISOM ay hore ugaga guureen saldhigyo ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho sida Stadium Muqdisho iyo Jaamacadii Ummada.