Ammaanka Xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir oo la adkeeyay

Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir, kaddib markii Al-Shabaab ay Qaraxyo ku weerareen todobaadkan iyo todobaadkii hore xarumaha degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan.

Xarumaha degmooyinka oo ay ku yaallaan xaafadaha dadka rayidka degan yihiin ayaa waddooyinka jid-cadayaasha loo yaqaano ee mara xarunta degmada lagu xiray dhagxaan iyo carro.

Ciidamo hor leh oo Booliska ka tirsan ayaa la geeyay xarumaha, oo lagu xoojiyay ammaankeeda, iyagoo la geliyay feejignaan sare oo ay kula soconayaan dhaq dhaqaaqyada xeyndaabka degmada.

Al-Shabaab ayaa u muuqda in weerarada ay u weeciyeen xarumaha degmooyinka oo ay ku howlgalaan maamulada degmooyinka, isla markaana loogu adeego shacabka.

Dadkii adeegyada u tagayay xarumaha degmooyinka ayaa hoos u dhacay, iyagoo oo ka cabsi qaba inay dhibaato ka soo gaarto weerarada Al-Shabaab ku qaadayaan xarumaha degmooyinka.

Weerarkii ugu dambeeyay ee shalay ee xarunta degmada Hodan oo lagu weeraray gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan todobo ruux, halka tiro intaa kale ku dhaawacmeen.