Aqalka Sare oo dardargeliyay xalinta khilaafka Dowlada iyo Maamul Goboleedyada

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Wakiilada gaarka ah ee Qaramada Midoobay  u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira .

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka xoogan ee xiligan u dhaxeeya dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira .

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac ayaa sheegay in kulanka looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka xoogan ee u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Aqalka sare ayaa dadaal badan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhax aloosan dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira kuwaa oo jaray xiriirkii ay dowlada Dhaxe la lahaayeen.