Illaa sagaal ruux oo isugu jira Askar iyo shacab ayaa ku dhaawacmay qarax xalay ka dhacay magaalada Boosaaso, kaasoo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Booliska oo marayay bartamaha magaalada.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawcamay lix askari, halka saddex kalena ay yihiin dad shacab ah, waxaana ciidamada markii qaraxa lagu weeraray ay fureen rasaas sababtay dhaawaca dadka rayidka ah.

Ciidanka qaraxa lagu weeraray ayaa wararka qaar sheegayaan inay galbinayeen Taliyaha Booliska Gobolka Bari, halka warar kalena sheegayaan inay ahaayeen ciidan roondeynayay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Boosaaso ka socday howlgallo amniga lagu sugayay, waxaana inta badan howlgaladaas ka qeyb qaadanayay Ciidamada Booliska.

Magaalada Boosaaso ayaa horay waxaa uga dhacay qaraxyo iyo toogasho ka dhacday sheegtay Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.