Rag ku hubeysan bistoolado ayaa caawa ku diley mid kamid ah ciidamada milatariga iyo qof rayid ah degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Askariga la diley oo magaciisa lagu sheegay Caddaan ayaa dhaawac ka soo gaaray rasaas uu ku furay nin ku hubeysan bastoolad uu ugu dhintey mid kamid ah isbitaalada magaalada Muqdisho,halka qof rayid ah oo doonayay in uu qabto qofkii dilka ka dambeeyayna uu isla goobta ku dhintey.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dilka ka dib ay goobta isaga baxsadeen raggii falkaasi ka dambeeyey,kahor inta aysan gaarin ciidamada ammaanka goobta uu dilka ka dhacay oo ahayd meel u dhexeysa xarunta degmada Kaaraan iyo saldhigga booliska degmadaas.

Dilalka ciidamada dowlada iyo dadka rayidka ah ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho iyadoo sidoo kalana ay Muqdisho ka dhacaan weeraro iyo qaraxyo.

Labo maalmood kahor ayaa weerar lagu qaaday mid kamid ah xarumaha wasaaradaha dowlada federalka waxaa lagu diley inka badan toban ruux oo uu ka mid ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.