Askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka ayaa lagu diley gelinkii dambe ee maanta degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa la sheegay in ay geysteen koox ku hubeysan bastoolado oo watay mooto dhug-dhugley ah iyagoo goobta ka baxsaday.

Dilalka gaadmada ah ee loo geysto ciidamada dowlada ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho ee caasimada dalka iyadoo dilalkaasna dadka geysta ay baxsadaan.

Dhinaca kale waxaa gelinkii dambe ee maanta ciidamada amaanka ay ku guuleysteen inay ka saaraan miino dhulka lagu aasay xaafad ka mid ah degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa miinada oo laga maqlay inta badan degmada Waaberi ayaa aad looga naxay iyadoo weli dadka ku nool magaalada Muqdisho ay labadii maalmood ee la soo dhaafay ay qaraxyo deris la noqdeen.