Ciidmaada Naafada ee Xoogga dalka ayaa banaanbax ka dhigaya Irida laga galo Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee xigta dhinaca Hotelka SYL, iyagoo ka cabanaya in aan muddo afar bilood la siin mushaar iyo raashin.

Banaan baxa ay dhigayaan Askarta Naafada oo ay wehliyaan Agoontii Ciidamada ayaa hakad gelisay isku socodka wadada loo maro Madaxtooyada, waxaana ay xireen albaabka laga galo.

Waxaa ay ka cabanayaan mushaar la’aan muddo afar bilood, iyadoo dowladda Soomaaliya aanay siinin xuquuqdii ay lahaayeen, taasoo ay xuseen inay u sii dheer tahay daryeel xumo baahsan.

Saraakiil ka tirsan Villa Somaliya ayaa isku dayay iney ku qanciyaan banaan baxayaasha inay goobohooda dib ugu laabtaan, madaxda dowladdana la gaarsiinayo cabashadooda, balse qaarkood ayaa arrintaas iska diiday, iyagoo ku andacoonaya in dhowr jeer oo hore balanqaad loo sameeyay oo aan waxba ka fulin.

Dhinaca kale qeybo ka mid ah degmada Hodan waxaa iyana ka socda banaanbax ay wadaan Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, kuwaasoo xirtay Isgoyska Tarabuunka, Warshada Caanaha ilaa Black Sea, kuwaasoo dib u celinaya gawaarida BL-ka iyo kuwa raaxada ee shaqsiyaadka wataan.

HALKAN GASHO