Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegaya in maanta la ansixiyay Wasiirada uu soo magacaabay Madaxweynaha Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Sida balanta ay eheyd maanta ayuu Madaxweynaha Koofur Galbeed horgeeyay baarlamaanka Wasiiradiisa cusub, isagoo khudbad uu u jeediyay kaga dalbaday iney codka Kalsoonida siiyaan, si uu u guda galo howlaha horyaala Koofur Galbeed.

Kulanka maanta oo ahaa kii labaad ee kalfadhiga 7-aad waxaa soo xaadirtay 124 mudane, iyadoo uu shir Gudoominayay C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo ah Gudoomiyaha golaha Wakiilada maamulka.

123 Xildhibaan ayaa codka Kalsoonida siisay Wasiirada cusub, waxaana diiday hal mudane, mana jirin cid ka aamustay Codeynta.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa baarlamaanka uga mahad celiyay Kalsoonida ay sida aqlabiyada leh u siiyeen Xukuumadiisa, isagoo ka hor sheegay shaqada laga sugayo xubnaha Wasiirada, wuxuuna balan qaaday iney ka shaqeyn doonaan Amniga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu dhaariyay Wasiirada cusub ee maamulka Koofur Galbeed ee codka Kalsoonida la siiyay, iyadoo todobaadka dambe la filayo inay bilaabato xil la wareegistooda.

13-kii bishaan Febraayo ayay ahayd markii Lafta Gareen uu dhameystiray gollihiisa Wasiirada, taasi oo ka kooban 48 oo kala ah; 23 wasiiro iyo 25 wasiiro ku xigeeno, iyadoo aanu jirin wasiiro dowlayaal.