Banaan baxyo ay dhigayaan dhalinyaro ka careysay dilalka loo geysto dhalinyarada ayaa maanta ka dhacay qeybo ka mid ah waddooyinka Caasimadda, waxaana ay hakad geliyaan isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga.

Dibad baxyada rabshadaha watay oo markii hore ka soo bilowday wadada Wadnaha, halkaasoo saaka lagu dilay Isgoyska Howl-wadaag darawal mooto bajaaj iyo qof la socday ayaa soo gaaray Wadada Maka Al-Mukarama.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa rasaas ku kala eryay dhalinyarada dibad baxayay, waxaana la arkayay gaadiidka dagaalka ee loo yaqaano Cabdi Bilaha ee saaran dhashiikaha oo lagu ridayo dhalinyarada.

Arrintan ayaa aheyd mid layaab ah in dhalinyaro dibad baxayay in rasaasta ka dhacda qoriga dhashiikaha lagu kal eryo.

Waxaa la soo sheegayaa in banaan baxyada rabshadaha wata inay sababeen khasaare kala duwan, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta ku jirta jawi kacsanaan ah oo ka dhalatay banaan baxa rabshadaha wata ee ay dhigayaan dhalinyarada ka careysay dilalka askarta.