Banaanbax rabshado wata ayaa ka dhacay saaka deegaanka Xawaadley oo u jira degmada Balcad illaa 28 km kadib markii wiil 8 jir ah lagu diley deegaankaas.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dadka banaanbaxayay ay gubeen masjid ay ku lahaayeen koox diimeedka Takfiir oo lagu tuhmayay inay ka dambeeyeen dilka wiilka 7jirka ahaa.

“Wiilka 8 jirka ah ayaan ka helnay meydkiisa wabiga dhexdiisa isagoo gacmaha iyo lugaha laga xirxirey kadib markii la diley waxaan ku tuhmeynaa inuu diley aabihii oo ka mid ahaa kooxda Takfiirka,”ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool deegaanka Xawaadley oo la hadlayay weriye ka tirsan shabakada jowhar.com.

“Wiilka 8 jirka ah ayaa la diley kadib markii uu cunto ka soo cunay guriga ay ku geeriyootay ayaydiis oo xoolo lagu qalay.”ayuu sii raaciyay Cali Xaaji oo ka mid ah dadka ku nool deegaanka Xawaadle.

Banaanbaxa ka dhacay deegaanka Xawaadley ayaa sababay in ay xirmaan goobaha ganacsiga ee deegaankaas.

Ciidamada ammaanka ee deegaanka Xawaadley ayaa la sheegay in ay qabqabteen qaar kamid ah kooxda Takfiir ee degenaa deegaankaas hase yeeshee ninka lagu tuhmayo inuu diley wiilkiisa ayaa ka baxsaday goobtaas.