Banaanbax loogaga soo horjeedo maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay ka cabanayeen raashin la sheegay in ay musuqmaasuqeen maamulka gobolka Hiiraan gaar ahaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Dadkan banaanbaxa dhigayay ayaa waxa ay ka codsadeen dowlada federalka iyo Maamul Goboleedka Hirshabelle inay wax ka qabtaan musuqmaasuq ka jira gobolka Hiiraan.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in deeq raashin ah ay dowlada Sacudi Carabiya geysay magaalada Beledweyne la musuqmaasuqay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka gobolka Hiiraan oo ku saabsan eedeynta loo soo jeediyay.