Qoraal ay si wadajir ah  soo saareen maanta  Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, UK, iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay inay soo dhoweynayaan hindisaha uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre u soo bandhigay saaxiibada ee ah is-beddelada dhinaca amniga iyo qorshaha dowladda Soomaaliya ee ah inay sii waddo hormarinta amniga.

“Waxaa na dhiirigeliyey go’aanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku fulineyso is-beddelada lagama maarmaanka ah ee amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaana hoosta ka xariiqeynaa taageeradeena shaqadan” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in Kheyre ay mar kale kula kulmi doonaan magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaasi oo bisha April lagu qabanayo Kulanka Soomaaliya ee hay’adaha IMF iyo Bankiga Adduunka.

“Waxaan sidoo kale sugaynaa go’aannada muhiimka ah ee ku saabsan sii wadidda taageerada Amisom, oo mas’uuliyadda amniag Soomaaliya ku wareejineysa ciidamada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha caalamka ayaa ugu baaqay dalalka daneeya Soomaaliya inay taageeraan oo ay Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ugu guuleysan lahaayeen is-beddelada ay wadaan ayada oo loo marayo wada-hadallo loo dhan yahay.

Hadalkan ka soo yeeray Beesha Caalamka ayaa ka dambeeyey kadib kulan uu dhawaan rai’iusl wasaaraha Soomaaliya la yeeshey wakiilada beesha caalamka iyo AMISOM, iyagoo ka wada hadlay,qorshayaasha horumarineed oo ay wado dowladda iyo sidii loo taageeri lahaa.