Dowlada Federalka ayaa bilowday inay bixiso mushaaraadkii ay lahaayeen qaar ka mid ah ciidamada xoogga dalka ee ka soo baxay fariisimihii ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Magaalada Balcad oo ay ciidamadan ku sugnaayeen toddobaadkan ayaa maanta laga maqlayay rasaas ay ciidamada cirka u ridayeen iyagoo ku faraxsan helista mushaaraadka ka maqnaa.

“Dowladu waa aqbashay cabashadeena waa ayna na siisay xaqii aan ku lahayn,waana waajib ina saara inaan dib ugu laabano saldhigyadii aan soo faarujinay.”ayuu yiri mid kamid ah ciidamadan oo isagoo jooga magaalada Balcad u waramayay mid kamid ah weriyaasha shabakada www.jowhar.com

Mushaaraadka cidiamada ayaa loogu shubaa akaawn bangi loo furay hase yeeshee waxaana jira weli qaar ka mid ah ciidamada oo aan helin mushaaraadkooda,balse rajo ka qaba in ay u soo dhacdo lacagtooda.

Bixinta mushaaraadka ciidamada ayaa timid maalin kadib markii uu qudbad u jeediyay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo qaar ka mid ah ciidamada ku sugan magaalada Muqdisho.