Ciidamada Booliska Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa maanta magaalada Hargeysa waxa ay xabsiga dhigeen wiil dhalinyaro ah oo ku labisnaa dhar laga tolay dharka Buluuga ah ee Calanka Soomaaliya maalin kahor maalinta aasaaska xisbiga SYL.

Ninka la xirey oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Cali “Aar” ayaa xirnaa Surwaal iyo Jaakad leh midabka Calanka Buluuga ah ee Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jirto cid u hadashay ciidamada Booliska oo ka warbixisay dambiga uu galay wiilkan.

Maamulka Somaliland ayaa toddobaadkii hore waxa ay xabsiga u taxaabeen mudane ka tirsan baarlamaanka Somaliland kadib markii uu ku tilmaamay in maalinta 18May ay tahay maalin u gaar ah beel ka mid ah beelaha dega Waqooyiga Soomaaliya.