Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay nin ay ku eedeeyeen inuu Shabaab u waday xogo uu ka qaaday magaalooyinka Kenya.

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa magaalada Mandheera ku qabtay nin 53 sano jir ah, kaasoo u sii socday Soomaaliya waxaana la sheegay inuu damacsanaa ku biirista Kooxda Al-Shabaab.

Ninkan oo lagu magacaabo Backstone Agaro ayaa la qabtay isagoo dadka weydiinayay meesha ugu fudud ee looga soo tilaabi karo xadka Soomaaliya waxaana xiigaasi uu ka yimid dhinaca Gaarisa.

Saraakiisha amaanka Kenya ayaa sheegay in ninkan la qabtay ay boorsooyinkiisa ka heleen Buug ay ku qorantahay xogo uu ka soo uruuriyay inakabdan 100 goobood oo kamid ah Kenya, iyadoo laga cabsi in goobahaas ay bartilmaameed u noqdaan Shabaab.

Backstone Agaro, waxa uu Mandheera ku tagay Bas ay leedahay Shirkada Tawakal waxaana lagu hayaa Saldhigga magaalada oo lagu weydiinayo Su’aalo ku saabsan ujeedka socdaalkiisa Soomaaliya.

Agaro ayaa la soo taagay maxkamad shalay waxayna maxkamadu amartay in 7 maalmood xabsiga lagu soo hayo inta laga helayo cadeymo dhameystiran oo Kiiskiisa ku saabsan, waxa ay saraakiisha amaanka ku eedeeyeen inuu ahaa Sirdoon Shabaab ah.

“Waxaan dadka waydiinayay inay ii tilmaameen meel aan seexdo [hotel] ee ma waydiin jihada Soomaaliya loo maro, sababtoo ah waxaan halkan imid xilli habeen ah, waxaan ahay qof ku cusub magaaladda,” ayuu booliska u sheegay Agaro.

Ninkan 53 sano jirka oo ah fuundi guryaha dhisa ayaa sheegay inuu si caadi ah isaga watay (Book­Note) ay ku qornaayeen magaalooyin badan oo Kenya ah oo uu booqday.