Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay howlgal maalmihii u dambeeyay ay ka sameeyeen degmooyinka Xamar Weyne, Heliwaa, Kaaraan, Deyniile iyo deegaanka Weydoow ee duleedka magaalada Muqdisho.

Taliye Kuxiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed oo gelinkii danbe ee maanta shir jaraa’id ku qabatay Xarunta Booliska ayaa sheegtay inay gacanta ku soo dhigeen 73 xubnood oo Shabaab lala xiriiriyay.

Howlgalkii u horeeyay waxa uu ka dhacay degmada Heliwaa, halkaas oo lagu soo qbatay 4 qof oo Shabaabnimo loo heysto, kadib howlgal balaaran oo Jimcihii ay sameeyeen Ciidamada amaanka.

Midkii labaad waxa uu ka dhacay degmada Xamar Weyne, halkaas oo lagu soo qabtay nin Shabaab ah oo loo heysto dil uu u geystay mid kamid ah Guddoomiye waaxeedyada degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana soo farmuuqay dadka deegaanka.

Howlgalkii 3-aad ee Shabaab ka dhan ah, waxa uu isaguna ka dhacay deegaanka Weydoow, halkaasna lagu soo qabtay 60 xubnood oo Shabaab ah, sida ay sheegtay Jen. Zakiya Xuseen Axmed.

Howlgalada Shabaab ku foorara ee saddexdii maalin ee ina dhaafay ka dhacayay Muqdisho, waxaa barbar socday kuwo lagula dagaalamayay dadka burcada ah ee dhaca ka geysta Caasimada.

Taliye Kuxiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed, waxey kaloo sheegtay in degmada Kaaraan laga soo qabtay 4 qof oo midi Haweeney tahay oo ka ganacsanayay waxyaabaha Maanka Dooriya, waxaa howlgalkaas lagu soo qabtay qori AK47 ah iyo 9 Juwaan oo Maandooriye ay ka buuxeen.

Ugu dambeyn, Booliska Soomaaliya waxa uu sheegay in degmada Deyniile laga soo xiray 4 qof oo la qabtay, iyagoo ku howlanaa dhaca ay u geystaan dadka Shacabka ah ee ku nool xaafadaha degmada Dayniile.