Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa bac lagu qariyay walxo baaruud qaraxda iyo dil rag burcad ah ay caawa ka dhacday xaafado kamid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir, xilli dadku ay ahaayeen kuwo Afurayay.

Sida wararku sheegayaan rag burcad ah oo la sheegay iney wateen dharka Ciidanka Milatariga ee dowladda, ayaa weeraray xarun Isgaarsiineed oo ku taala xaafada Sey Piano, iyadoo durba goobta ay gaareen Ciidamada booliska oo saldhig ku leh nawaaxiga goobta.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Jen. Zakiya Xuseen Axmed waxa ay sheegtay in weerarkaasi burcada geysatay ay ku geeriyoodeen hal qof oo Shacab ah mid kalena ku dhaawacmay, waxeyna sheegtay iney gacanta ku soo dhigeen laba ka mid ah raggii weerarka geystay.

“Ragg burcad ah ayaa bacda afur weeraray Xarunta Hormuud Seybiano ee degmada Hodan. Waxeey dileen hal nin sidoo kalena dhaawaceen hal gabar shacab ah. Ciidanka boliiska waxeey ku guleysteen in ay qabtaan labo ka mid ah burcadka iyo hubkooda” ayey tiri Taliye Zakiya.

Dhinaca kalena Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska waxa ay sheegtay iney gacanta ku soo dhigeen Koox qarax macmal ah caawa dhigtay Afaafka hore ee xarunta baarista danbiyada ee C.I.D, iyadoo jugta qaraxa macmalka ay ku sheegtayna laga maqlay inta badan xaafadaha degmada Hodan.

“Hada ayuu ciidanka boliiska gacanta ku soo dhigeen raggii bacda dhigay iyo babuurkii ay wateen oo ah baabur homey ama PLka loo yaqaana oo cadaan ah. Baaris ka dib waxaa la marsiinaa nidaamka sharciga” ayey tiri Taliye Zakiya mar kale.