Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda u qaabilsan Arrimaha Afrika Axmed Kattan.

Wasiir Dowlaha arrimaha Afrika qaabilsan ayaa dhambaal uu ka siday Boqorka Sacuudiga soo gaarsiiyay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo Madaxweynuhu uu guddoomay dhambaalkaas.

Qoraal Afka Carabiga oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Afrika u qaabilsan Boqortooyada Sacuudiga Axmed Abdil Aziz Kattan, waxaana Madaxweynuhu ka guddoomay dhambaal uu ka siday Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo lagu casuumay shir ay yeelanayaan dalalka ku yaala Badda Cas, kaasoo Sacuudiga marti gelinayaa Bisha Ramadaan kadib, sidoo kale waxaa la filayaa in Soomaaliya ka mid noqoto Urur ay ku mideysan yihiin dalalka Badda Cas.

Tartanka Juquraafiga siyaasadda ee xilligan ka jira dalalka kulaala Badda Cas ayaa Soomaaliya ka dhigaya dal muhiim ah, iyadoo loolankan uu yahay mid istiraatiiji ah oo ka dhaxeeya dalalka Shiinaha, Mareykanka, Turkiga, Japan iyo dalalka kale ee quwadaha waa weyn.

Soomaaliya ayaa saameyn weyn ku yeelatay khilaafka dalalka Khaliijka, inkastoo ay mowqif dhex dhexaad ka qaadatay, hadana waxaa loo arkaa inay u xaglisay dhanka Qatar, taasoo keentay in Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo inay hakiyaan taageero dhaqaale oo horay ugu balan-qaadeen, kaddib booqashadii u horeysay ee uu Madaxweyne Farmaajo ku tagay Sacuudiga, markii la doortay kaddib.