Danjiraha Dalka Burundi ee magaalada Addis Ababa Dieudonne Ndabarushimana, ayaa ka hadlay qorshaha Kun kamid ah Ciidanka Burundi looga saarayo Soomaaliya, taasoo uu sheegay iney tahay mid beegsi gaar ah loogu hayo dowladiisa.

Waxa uu sheegay iney wadadaan dadaalo ku aadan sidii loo hakin lahaa in dhamaadka bishan Soomaaliya laga saaro Kun askari oo ka socota dowladda Burundi, taa bedelkeedna askartaas la saarayo ay noqoto mid ay wada qeybsadaan dhamaan dowladdaha Ciidamadooda ay ku suganyihiin Soomaaliya.

Dowladda Burundi ayaa 14kii bishan xubin ka noqotay  Guddiga amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo saddexdii Sanaba mar la doorto, Isagoo sheegay in xubinimadaas ay ka taageereyso iney ku guuleystaan doodooda Sharciga ee arinkan ku wajahayaan.

” waa si wanaagsan in Ciidanka Amisom laga saaro Soomaaliya, maadaama uu dalka ka soo kabanayo dhibaatooyinkii dhinaca amniga, balse maxaa qorshahan ku kaliyeelay dowladda Burundi, hadii Kun askari la saarayo wadan walba tiro halaga soo qaado, wada bixista waan ogolnahay, balse beegsiga gaarka ee nalagu hayo ayaan diidanahay” ayuu yiri Dieudonne Ndabarushimana.

Midowga Afrika ayaa bishii December sanadkii 2017, dalkan ka saaray Kun askari oo kamid ah Amisom, askartaas waxa ay ka wada socdeen dhamaan dalalka Amisom ku jira, balse qorshahan cusub waxaa lagu koobay oo kaliya Burundi, waana taa mida lagu qancin la’yahay xukuumada Burundi.

Gobolka Sh/Dhexe oo ay ku suganyihiin Ciidanka Burundi, ayaa waaa ka socda qorshe looga soo saarayo deegaanada ay ka joogaan, iyadoo arintaasi ay walaac ka muujiyeen maamulka Hirshabeelle, waxaana Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu kulan la qaatay Wakiilka midowga Afrika ee dalka, waloow uu ku qancin waayay in Ciiidankaas aan la saarin.