Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa ka hor-yimid go’aankii Warbaahinta banaanka looga saaray Kulanka Amniga ee Baarlamaanka, kaddib markii cod loo qaaday.

Buuq ayaa ka dhashay codeynta warbaahinta banaanka looga saaray Baarlamaanka, iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaanada ay ku doodayaan in aysan sax aheyn qaabka codeynta u dhacday iyo inay aheyd wax ka yimid Guddoonka.

Xildhibaanada qaar ayaa dalbanaya inay saxaafadda goobjoog ahaato, si ay shacabka ugu gudbiyaan doodaha la xiriira ammaanka iyo su’aalaha la weydiinayo Mas’uuliyiinta Hey’adaha ammaanka.

Illaa 104 Xildhibaan ayaa u codeysay in Saxaafadda dibadda loo saaro, halka 42 Xildhibaan ay diideen, waxaana durba la amray in saxaafada dibadda loo saaro.

Hase yeeshee Xildhibaanada qaar oo ka hor-yimid codeyntaas ayaa is hortaagay in saxaafadda dibadda loo saaro, iyagoo ku qeylinayay Guddoonka Baarlamaanka.

Ma ahan markii u horeysay ee saxaafadda dibadda looga saaro kulan looga hadlayo ammaanka oo uu baarlamaanka leeyahay, sanadihii 2014 iyo 2016 ayaa horay saxaafadda banaanka looga saaray.

HALKAN GASHO