C/kariin Qalbi Dhagax oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha ONLF ayaa saaka gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Qalbi Dhagax ayaa socdaal ku marayay deegaanada maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana labadii maalmood ee la soo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo oo aheyd halkii laga qabtay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa ku soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb, waxaa la filayaa inuu la kulmo Mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

C/kariin Muuse Qalbi Dhagax ayaa sheegay inuu safaro ku tagayo dhulka Soomaalida, isagoo safarkiisa ka soo bilaabay magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland, waxaa uu tilmaamay in aanay Muqdisho ku jirin goobaha uu booqanayo.