C/llaahi Sh. Xasan “Dowladda Federaalka wax ka quseyo ma jiraan doorashada Koofur Galbeed”

Wasiirka Dastuurka Maamulka Koofur Galbeed C/llaahi Sheekh Xasan ayaa si kulul uga jawaabay war saxaafadeed maalmo ka hor ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka, kaasoo looga hadlayay xaalada maamul goboleedyada iyo doorashooyinka ku soo fool leh, iyadoo looga digay muddo kororsi.

C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha aanay jirin wax ka quseeyo doorashada ka dhaceysa Koofur Galbeed, isla markaana aanay ajandaha ugu jirin inay ka soo qeyb galaan doorashada.

“Wasiirka arrimaha gudaha waxaa u sheegayaa dowladda federaalka, sida aan isku dooraneyno wax shaqo kuma lahan, dastuur ayaa leenahay qaab aan isku dooraneyno meel ay ka soo galeyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha kuma jirto, Dastuurkeena kuma qorna”ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Wasiirka isku qaldayo arrimaha dowladaha Hoose, Gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada, isagoo caddeeyay in doorashada ka dhaceysa Koofur Galbeed ay tahay mid maamulkooda u madax banaan yahay, Wasiir Federaal ka socdana aanay meelna uga banaaneyn.

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa lagu wadaa inay dhacdo bisha November ee soo socota, iyadoo labo bil ku dhowaad ay ka harsan tahay, waxaana isa soo tarayay shaki laga qabo muddo kororsi uu sameeyo Madaxweynaha xilka haya Shariif Xasan Sheekh Aadan.