Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka dhawaajiyay in dadka Muqdisho la doonayo in dambiilayaal laga dhigay, si fashilka amniga lagu qariyo.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in farrimaha maalmahan Madaxda dowladda ka soo baxay iyo xogta ajaaniibta lala wadaagayo uu ujeedkiisa yahay in dadka Muqdisho laga dhigo dambiilayaal.

“Fariimaha maalmahan madaxda dowladda ka soo baxay iyo xogta ay ajinabiga la wadaagayaan wuxuu ujeedkeedu yahay in dadka Muqdisho danbiilayaal laga dhigo. Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta oo lagu eedayo in ay Al-shabaab yihiin, ganacsatada oo lagu eedeeyo maalgelinta qaraxyada Al-shabaab, shacabka oo wada shaqayn la’aan lagu eedeeyo, kuwii gargaarka degdega ah fidinayey oo lagu eedeeyo in lagu soo dhexdhuunto, iyo saxaafadda oo buunbuunin lagu eedeeyo”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.

C/raxmaan C/shakuur ayaa intaa ku daray “Haddii ay ka tahay in fashilka lagu qariyo waa naf la caarinimo tii ugu danbaysay, haddii ujeedo kale ku hoos jirtana waa nacasnimo hor leh, Muqdishana kuma cusba warkaan”.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay qorshayaal amni oo ka dhan ah Warbaahinta madaxa banaan, iyadoo laga xadidayo meel walba inay war ka helaan, iyadoo lagu tilmaamayo inay buun buuninayaan qaraxyada iyo dhibaatooyinka amni ee ka dhacaya Muqdisho, waxaana la sameeyay Guddiyo xafiisyada dowladda xubin ka yihiin, kuwaasoo talo ku soo jeediyay in warbaahinta madaxa banaan la xadido.