Wiil uu dhalay allaha unaxarisitee Cismaan Cilmi Boqore ayaa ku guuleystey doorasho ka dhacday maanta magaalada Muqdisho taasoo loogu tartamayay kursiga uu baneeyay Marxuum Boqore.

Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa ku guuleystey doorashada kadib markii uu helay 48 cod oo ka mid ah 51kii ergo ee ka qeybgashay doorashadan.

Axmed Cismaan Xaashi oo la tartamayay Cadnaan Cismaan ayaa helay labo cod oo kaliya halka hal codna uu halaabay.

Guddiga doorashada ayaa ku dhowaaqay in kursiga Xildhibaanimo uu ku guuleystay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore.

Cismaan Cilmi Boqore ayaa 23-kii Bishii Febaraayo ee 2019 lagu dilay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho waxana uu ka soo jeeday gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale banaan kursigii uu ka geeriyooday wasiirku xigeenkii shaqada iyo shaqaalaha dowlada federalka oo dhamaadkii bishii hore lagu dhex diley xafiiskiisa kadib markii ay weerareen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

HALKAN GASHO