Agaasimihii hore ee Madaxtooyada ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo horay loogu soo bandhigay inuu dib u celiyo Baasaboorka Mareykanka, balse uu ku adkeystay inuu heysto.

Wareysi uu siiyay Telefishinka Dalsan ayuu sheegay in qofka heysta dhalashada Mareykanka uu dal ajnabi ah ka shaqeyn karo, balse ay jiraan waxyaabo u baahan ogolaansho, sida xilalka muhiimka ah, sida Milateriga, isagoo xusay inay jiraan nidaamyo qabanaya.

“Madaxweyne Farmaajo markii la doortay, waxyaabaha lagala hadlay ayay ka mid tahay, haddii uu sii heysto Jinsiyaddiisa faa’idada iyo dhibaatada u leedahay, haddii uu iska celiyo faa’idada iyo dhibaatada ay leedahay, si toos ah ayuu Mareykanka ugala hadlay, Madaxweyne Farmaajo wuxuu doortay inuu baasaboorka sii heysto”ayuu yiri Xildhibaan Cali Balcad.

Sidoo kale waxaa uu xusay inuu yahay Madaxweynaha kaliya ee heysta Baasaboorka Mareykan ah, isla markaana sii ahaado Mareykanka, waxaa uu tilmaamay in Madaxda iska celisay ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaaraha Israe, Lithuania, Ciraaq, Haiti iyo kuwa kale.

Halkan hoose ka daawo wareysiga:

Xildhiban Cali Balcad “Madaxweyne Farmaajo dawladda Mareykanka wa uso bandhigtay inu iska celiyo passport

Xildhiban Cali Balcad “Madaxweyne Farmaajo dawladda Mareykanka wa uso bandhigtay inu iska celiyo passport -kiisa Mareykanka iyo inu heysto isagaa doortay oo ku adkeysto inu heysto waana madaxweynaha kaliya ee aan celin dhalshadiisa horey waxaa u celiyey madaxweynayaasha Haiti ,Ukraine , Lithuania iyo kuwa kale ..”WAREYSI dheer oo dhinacyo badan taabaha oo aan la yeelanay xildhibaanka kala soco Youtube keena ama habeen dambe TV -ga toos 10:00 habeenimo https://youtu.be/ZADqyeVvrKs

Publiée par Dalsan TV sur Mercredi 24 avril 2019