Ra’iislu Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in qaraxyada la dhigo meelaha ay isugu timaado bulshada iyo kuwa gaadiidka lagu dhejiyo ay yihiin kuwo ay siyaasad ka dambeyso.

Cali Geeddi oo wareysi siiyay Telefishinka Universal ayaa tilmaamay in qaraxyada ka dhaca Muqdisho ay labo nooc yihiin, mid Argagixiso ee ismiidaaminta ah oo ay Al-Shabaab ka dambeyso iyo qaraxyada gaadiidka lagu dhejiyo iyo kuwa maqaayadaha la dhigo oo cadaw siyaasadeed ka dambeeyo.

“Gaari qof masuul ah inta meel dhigto dukaan galay ama maqaayad galay inta wax lagu dhejiyay qarxa, aniga uma aqaan kuwaas argagixiso ee waxaan ua qaan cadaw Siyaasi ah oo dadkiisa baabi’inaya ee raba inuu dowladda ku eedeeyo ee yiraahda waa kaas dadkii waa la baabi’inayaa ee dowladda maxey qabaneysaa” ayuu yiri Cali Geeddi.

Cali Maxamed Geeddi ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday banaan baxyada la wado abaabulkiisa, kaasoo la filayo inuu berri ka dhaco magaalada Muqdisho, isagoo ka digay inay Caaismada ka dhacaan banaan baxyo la isaga horkeenayo Shacabka iyo dowladda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomalaiya ay hore u damiinteen xubno Shabaab, isla markaana xogteeda ay soo gaartay, isla markaana aanu mala awaaleyn oo uu yahay siyaasi rug cadaa ah oo war helaya, iyadoo hadalkan uu Axadii Golaha Shacabka hortooda uu ka sheegay Kusmaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo ahaa 39% ay jiraan Xildhibaano damiintay rag Al-Shabaab ah oo la soo xiray, kuwaasoo dib ugu laabtay Al-Shabaab.

Cali Maxamed Geeddi ayaa ka mid ah siyaasiyiinta taageersan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu dhowr jeer ka soo muuqday warbaahinta, isagoo si adag u difaacaya dowladda, isla markaana hadalo kulul ku weeraraya Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Halkan hoose ka daawo

muqdisho

Ra'iisul wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi Ayaa Wareysi Uu Siiyay Universal Tv Kaga Hadlay Xaaladaha Uu Marayo Dalka Soomaaliya

PubliƩe par Universal Somali TV sur Mercredi 17 avril 2019