Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan  Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow, kaasoo maanta lagu dilay iska hor imaad ka dhacay Kala Beyr.

Cali Guudlaawe ayaa ku amray Ciidamada Amniga inay gacanta ku soo dhigaa cidii ka dambeysay dilka Taliyaha, sharcigana la soo taago.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan inay ka qeyb qaataan howlaha nabadeynta iyo waxyaabaha ka hor imaanaya hanaanka dowliga ah.

Maanta ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Booliska iyo ciidanka Nabadsugida ay isku rasaaseeyeen deegaanka Kala Beyr oo ku taal bar koontarool oo gaadiidka looga qaado lacago canshuuro ah.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka jiray maalmahan xiisad ka taagan Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday Yuusuf dabageed oo diidan inuu xilka wareejiyo.