Ciidamada ammaanka ayaa shalay gelinkii dambe gabtay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo ku soo jeeday magaalada Muqdisho.

Gaarigan oo ahaa noociisa Mini Bus ama Hoomey ayaa lagu qabtay agagaarka deegaanka Xaawo Cabdi ee Ceelasha Biyaha.

Sawir laga qaaday gaariga ka hor inta aanu qarxin ayaa ahaa gaari kuwa BL-ka ee dadweynaha raacaan.

Taliye kuxigeenka Booliska Jen. Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in gaariga qaraxa laga soo buuxiyay la rabay in lagu dhibaateeyo shacabka Gobolka Banaadir.

Waxaa ay sheegtay intii lagu guda jiray in lakala furfuro waxyaabaha qarxa ayuu gaariga qarxay.

“Agagaarka Xaawo Cabdi ee deegaanka Ceelasha Biyaha waxay ciidamada ammaanka ku qabteen Gaari qarax laga soo buuxiyay oo la rabay in lagu dhibaateeyo shacabka Gobolka Banaadir, iyadoo Ciidamada ku guda jiraan Furfuritaankiisa ayay nabad-diidku baabuurka qarxiyen waxaana ku dhaawacmay 1 askari”ayay tiri Taliye kuxigeenka Booliska.

Ciidamada ammaanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay howlgallo xiriir ah ka waday gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana laga hortagay qaraxyo kuwa wadada dhinaceeda lagu aaso iyo dad la soo qabqabtay oo ku guda jiray falal amni daro.