Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay nin miino ku aasayay mid ka mid ah waddooyinka degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Howlgalkan ayaa waxaa sameeyay Ciidamo ka tirsan Booliska qeybta Galbeed ee Gobolka Banaadir, waxaana gacanta lagu soo dhigay nin dadka deegaanka ay ku sheegeen inuu Miino dhulka ku aasayay.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan ay ka qeyb qaateen gaadiidka dagaalka, iyadoo ciidamada ay hareereeyeen goob uu ku sugnaa ninka miinada aasayay, waxaana markii dambe uu isu dhiibay ciidamada, iyadoo aanay wax iska hor imaad ah dhicin.

Saraakiil ka tirsan qeybta Miina Baarista ayaa ku guuleystay inay kala fur furaan Miinada lagu aasay wado Jaay ah oo ay inta badan isticmaalaan Ciidamada ammaanka.

Howlgalkan lagu soo qabtay ninkan miinada aasayay ayaa ku soo aadaya, iyadoo xalay qarax miino uu ka dhacay degmada Warta Nabadda, waxaana maalmihii la soo dhaafay Muqdisho ku soo badanayay qaraxyada miino ee dhulka la geliyo.