Ciidamada ammaanka ee degmada Wadajir ayaa holwgal ay xaafadaha degmadaasi ka sameeyeen waxa ay ku soo qabteen Wiil iyo Aabihiis oo falal dhac ah ka geysanayay degmada, kuwaasoo ay cabasho ka soo gudbiyeen dadka deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Wadajir C/raxmaan Maxamed Macalin Cali ayaa Warbaahinta u sheegay in labada qof ay soo qabteen ay ka tirsan yihiin Ciidamada dowladda, iyadoo aabaha la qabtay oo lagu magacaabo Cumar Qaboobe Xasan uu ahaa Laba Xidigle, halka Wiilkiisa Khadar Cumarna ahaa askari.

Labadan qof oo la soo qabtay iyagoo heysta laba qori ayaa lagu eedeeyay iney lacag sharci darro ah ka qaadayeen muwaadin guri ka dhisanayay degmada Wadajir, kaasoo si sharci ah u soo maray maamulka, lagana warqabay dhismaha uu waday.

Xeer ilaaliye Kuxigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Labo Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo tagay Saldhigga booliska degmada Wadajir oo lagu soo bandhigay labada qof ayaa la soo wareegay eedeysanayaasha, si cadaalada loo horgeeyo, looguna qaado danbiga loo heysto.

Taliyaha Saldhigga Booliska C/Baasid Maxamuud Cageey ayaa sheegay iney hubka ka qaadaan labada qof ee is dhashay, isagoo digniin u diray dadka dhibaateeya Shacabka, wuxuuna ku hanjabay iney talaabo cad ka qaadayaan cid kasta oo shacabka ku xad gudubta.