Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa 5-tii bishan howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho ku qabtay nin la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa ku xirista gawaarida walxaha qarxa.

Sida ay daabacday wakaalada wararka ee SONNA ayaa lagu sheegay in ninkan uu ahaa howlwadeen ka tirsanaa Argagixisada, waxaana howlgalkan lagu soo qabtay uu ahaa mid saacado badan qaatay oo u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyadoo aanu wax khasaare ah dhicin.

Wararka ayaa sheegaya in qabashada ninkan ay ka dambeysay xogo sirdoon ah oo ay heleen ilo muhiim ah, taasoo suura gelisay in la soo qabto.

Lama sheegin goobta uu sida gaarka ah uga dhacay howlgalkan iyo xog dheeraad ah, waxaana la sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay kuwo lagu baacsanayo dhagar qabayaasha u taagan daadidinta dhiigga shacabka.

Qaraxyada lagu xiro gaadiidka ayaa ka mid noqday kuwo ugu badan ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho.