Ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa xalay fiidkii howlgal balaaran ka sameeyay xaafadaha degmada Warta-Nabada (Ex Wardhiigle), iyadoo howlgalka lagu soo qabtay dhalinyaro laga shakiyay.

Howlgalka waxa uu xooggiisa ka dhacay inta u dhexeysa Isgosyada Cali Kamiin iyo Furayaasha, waxaana sameynayay Ciidamo lagu tababaray xerada Ciidanka Turkiga ee duleedka magaalada Muqdisho, kuwaasoo si aad ah u hubeysan.

Mid ka mid ah dhalinyaradii la qabtay ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in dhalinyarada la qabtay isku shaandheyn kadib Ciidamada amaanka ay gawaaridooda Shabaqlaha ay ku kaxeysteen dhalinyaro dhowr ah

Taliyaha Saldhigga boolsika degmada Warta-Nabada Xuseen Cad Ceed oo baaritaanada hoggaaminayay ayaa su’aalo weydiinayay qaar kamid ah dhalinyarada wadooyinka laga qabtay, iyadoo Ciidamada mararka qaar ay gudaha u galayeen xaafadaha qaar.

Waa markii 3aad oo Ciidamada booliska baaritaano ay ka sameeyaan xaafadaha degmada Warta-Nabada oo ay ku dhex taalo madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo howlgalada ay yihiin kuwo looga gol leeyahay sidii amniga Bisha Ramadaan lagu xaqiijin lahaa.