Ciidamada ammaanka ayaa saaka soo badbaadiyay dad rayid ah oo ku go’doonsanaa dhismo ku dhow Hotelka Maka Al-Mukarama, halkaasoo gudaha u galeen dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka la soo badbaadiyay ayaa ahaa qoys in muddo ah degenaa dhismo ku dhegan Hotelka Maka Al-Mukarama, kuwaas oo aanay waligood ka qaxin gurigooda illaa xilligii burburka.

Wararka ayaa sheegaya in dadka la soo badbaadiyay ay ku jireen Hooyo iyo aabe da’ ah, sidoo kale waxaa jiray carruur iyana la soo badbaadiyay.

Ragga hubeysan ee ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay galeen dhismo dad rayid degenaayeen oo ay u maleynayeen Hotelka Maka Al-Mukarama.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegaya in weli dhismo qaar ay rasaas ka soo dhaceyso, waxaana marka ay Ciidamada u dhowaadaan la kulmayaan rasaas.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegaya inay dileen qaar ka mid ah dableydii hubeysneyd, balse ay ka shakisan yihiin inuu mid ka mid ah weli nool yahay oo rasaas soo ridayo.

Qaraxa ismiidaaminta ayaa burbur xooggan u geystay dhammaan dhismayaasha ka ag dhow Hotelka Maka Al-Mukarama, waxaana burburka ahaa mid lixaad ah.