Ciidamada Booliska oo dad u qabqabtay dilal ka dhacay Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inay dad u soo xireen dilal maanta iyo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in loo soo qabtay illaa siddeed ruux afar dil oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dadka la xirey ayaa waxaa ka mid ah dad loogaga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dil loo geystey Aamino Xuseen Xasan oo ka mid ahayd ardayda wax ka barata jaamacada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

“Dadka la soo qabtay waxaa kamid ah dad loo haysto dilka Aamino xuseen xasan oo lagu dhex dilay Jaamacadda Soomaaliya(Uniso),Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu dilay Agagaarka Daarta seybiyaano iyo Ninkii Odayga ahaa ee la dilay kadibna la gubay Garaash uu ku lahaa Xaafada Towfiiq.”ayuu yiri Jeneraal Bariise.

Jeneraal Bariise ayaa sheegay in dadkaasi la baarayo isla markaana la horgeyn doono maxkamadaha ku shaqada leh ciddii ay ku cadaato.

Ciidamada Booliska ayaan hore loogaga baran in si deg-deg ah ugaga jawaabaan falalka dilalka ah ee ku soo kordhaya caasimada dalka ee Muqdisho.